Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dalka Turkiga kula kulmo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Aby Axmed.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Dayid Erdogan ayaa wada dadaalo lagu xallinayo Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo casuumaad u fidiyay Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisul wasaare Aby Axmed.
Labada wafdi ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yeelan doona wareegii saddexaad ee wada hadalada la xiriira xallinta xiisaddii ka dhalatay heshiiskii 1 bishii Janaayo ay Xukumadda Adis Ababa la saxiixatay Somaliland.
Qoraal kooban oo lagu daabacay Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Turkiga wado dadaalada wada hadalada iyo kulanka Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya.
“Dawladda Turkiga ayaa wadday dadaal iyo wadahadal xal loogu raadinayo xiisadii ka dhex aloosanayd Dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii isafgaradka sharciraddarada ahaa. Waxaa lagu wadaa in wareegga saddexaad ee wadahalada Ankara ay isku arki doonaan laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha JFS iyo Raysulwasaaraha Itoobiya” ayaa lagu yiri Qoraalka lagu daabacay Warbaahinta Dowladda.
Wada hadalada wareegga saddexaad ayaa ku soo aadaya xilli kuwii hore ay Natiijo la’aan ku soo dhammaadeen, Maadaama ay Itoobiya ku adkeysatay heshiiska badda ee ka hor imaanayay Madax bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, isla markaasna ay la saxiixatay Maamulka Somaliland.