Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shurguddoomiyey kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen laamaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii lagu qaaday Xeebta Liido.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka shahiideen shuhadadii ku baxay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay.
“Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada Khawaarijta iyo yoolkooda oo ah in ay meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in ay ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdan dhiigyacabka ah,” sida uu yiri Dr. Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku sii daray, “Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya.”
Qof isku soo xiray walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyey Hotel ku yaal Xeebta Liido, kaas oo ay ku sugnaa dhallinyaro kala duwa kuwaas oo u nasiino tagay. Booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray khasaaraha Qarax ayaa sheegay in dhimashada ay ka badan tahay 32 ruux halka dhaawac uu kor u dhaafay 63 ruux.