Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ku tagay wadanka Kenya ka dib Casuumad uu ka helay dhigiisa dalkaas, sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi oo faahfaahin ka bixiyey safar uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in socdaalka madaxweynaha uu daaran yahay sidii loo adkeen lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa inta uu socda waxa ay uga wada hadli doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo adkeen lahaa ganacsiga ka dhaxeeya labada dal, sida uu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kenya lagu wadaa in uu la kulmo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.