Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabadda lagu daahfuray biyo xireenka Itoobiya Grand Ethiopian renaissance dam ee dadka dalkaas u yaqaan (Waa horumarka qaranka).
Madaxweyneyaasha Jabuuti, Kenya & Koofurta Suudaan ayaa ka qaybgalay munaasabaddaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xafladda furitaanka kusoo beegay waqti Madaxdaan ay ka qaybgalayaan shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada.
Muddo dheer ayay Itoobiya la daala-dhacaysay dhismaha Biyo xireenkaan oo mashaariic waa weyn Mustaqbalka u noqonaya inkasta oo ay jireen culays uga imaanayay Dalalka Masar iyo Suudaan oo biyaha Webiga Nile la wadaago.
Lacagta ku baxday oo ah $5 Bilyan waxaa laga uruuriyay Dadka Dalkaas, waxaa loogu magac daray qaaraanka qaranka, Abiy Ahmed ayaa markaan doonaya in uu dhabbe kale u jiheeyo Dalkiisa iyada oo weli ay taagan tahay doodda Masar iyo Suudaan.