Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Dr Xassan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen madaxda Maamulka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo boqolaal Shacabka ah.
Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeyay waxaana hoteellada iyo meheradaha laga cunteeyo buux dhaafiyay dadka ka qayb galaya caleeema saarka oo siyaasiin u badan, iyada oo waddooyinka qaar ee caasimadda lagu arkayey ciidamo gaaf wareegaya kuwaas oo sugaya amniga magaalada oo marti badan ay ku sugan tahay.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ah Madax hore oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarayaal hore, sidoo kale qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka ayaa madasha jooga, iyada oo aysan goobjoog ka ahayn Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaan ka ahayn munaasabadda si la mid ah saaxiibadiisa kale ee Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa goobjoog ka ah.