Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug, iyada oo halkaas uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ujeedka socdaalkan lagu sheegay sii ambaqaadid dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargalinaya howgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Socdaalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli gobollada dhexe uu ka socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay deegaano horleh ay Al-Shabaab kala wareegeen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaad laba bilood waxa uu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb halkaas uu ka waday abaabulka dagaalka AL-Shabaab oo xooggiisa uu ka socday Galmudug.