Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu ula kulmi laha Donald Trump.

      September 27, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka & Nuxurka Khudbadaha la jeediyay

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka & Nuxurka Khudbadaha la jeediyay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comSeptember 29, 20253 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka 11aad sida uu dhigayo qodobka 90aad ee Dastuurka Dalka, waxa uu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay.

    Madaxweyne Xasan waxaa dhinac taagnaa Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Duqa Muqdisho & Mas’uuliyiin kale, waxa ugu horrayn hadlay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku dheeraaday waxqabadka kalfadhigii hore.

     

    “Qorshaha kalfadhiga 7aad ee Aqalka Sare waxaa horyaalla meelmarinta dhammaystirk Dastuurka, dhismaha Golaha Garsoorka sare, Maqaamka Muqdisho, Shuruucda la horkeenno aqalkaan oo aan ka talo gelino Dowlad-Goboleedyada” Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare BJFS.

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa dhankiisa sheegay in ay dardargelinaan howlaha horyaalla Baarlamaanka inta kalfadhigaan lagu jiro isla markaana dhammaystiri doonnaan shaqooyinkii u yaallay.

    “Kulankeenna Maanta waxa uu astaan u yahay billowga gudashada waajibka ina horyaalla, waxaana gudanaynaa waajibaadka naga saaray howlaha naloo igmaday, goluhu waxa uu ansixiyay 7 hindise waxaana horyaalla 4 hindise sharciyeed 4 heshiis” Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa intaas kaddib khudbadda furitaanka u jeediyay Labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad, waxa uu ku dhiirrageliyay howlaha ay bulshadu u hayaan isaga oo ka sheekeeyay xaaladda Dalka.

    Waxa uu ku amaanay qabyo-tirka Dastuurka, dedaalladii loo maray Dayn cafinta Dalka, taaba-gelinta hay’adaha lagama maarmaanka u ah doorashada qof iyo codka ah,

    “6dii Kalfadhi ee Baarlamaanka waxa uu runtii qabtay shaqooyin badan oo lagu dhiirragelinayo sida Dhammaystirka Dastuurka, dedaalladii daynta lagu cafiyay, taaba-gelinta hay’adaha lagama maarmaanka ah iyo howlo badan oo taariikhda xusi doonto” Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kaddib u gudbay Amniga iyo la dagaalanka ‘AS’ isaga oo sheegay in albaabada dhaqaalaha laga soo xiray isla markaana laga hor istaagay dadkii ugu tagi jiray deegaanno uu ka xusay Toora-tooray & Arbacow oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

    “Iyada oo amniga Mudnaanta 1aad la siinayo ayay Dowladda Federaalka miisaaniyadda ugu badan siisay Ciidamadeenna, Waxa aan garaacnay albaab walba oo noo suuragalin kara tayaynta ciidankayna, oo hadda ku shaqeeya Teknolojiyada casriga ah, Wiilal Soomaaliyeed ayaa wada diyaaradaha, waxaana howlgalinay ciidankeenna badda” Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

     

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in ay ka fogaatay qaadashada dayn dhibaato ku noqonaysa Dalka, waxa uu soo jeediyay in la bixiyo Canshuurta si loo gaaro horumar, barwaaqo & kobac dhaqaale.

    “Bilaha soo socda insha allaah waxa aan billaabanaynaa soosaarka shidaalkeenna” ayuu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay ka faa’iidaysiga Khayraatka dalka uu leeyahay sahminta lagu sameeyay.

    Garab istaag ayuu u dalbay Maamulka Waqooyi bari, isaga oo faray in amniga iyo u adeegista Bulshada ka shaqeeyo, carrabka ayuu ku dhuftay in Maxaabiista la kala haysto la siiyo fursado sida in loo guuriyo sida uu hadalka u dhigay.

    “Dhismaha Maamulka Waqooyi bari kama dhigna in ay kala maarmayn deegaannada kale ee deriska la ah, waxaana maamulkaas curdinka ah farayaa in uu adkeeyo amniga una adeego Bulshada” Ayuu hadalkiisa kusii daray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

    Wadahadalka Mucaaradka ayuu soo hadal qaaday, waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh xusay in qodobo uga tanaasuleen si loo gaaro xal waara oo looga gudbi karo khilaaf dhibaato ama xaalad adag sababi karo.

    “Waxa aan daba soconaa kuwa wax diidan ee tabashada qaba, Haddii ay jiraan kuwa weli ku riyoonaya doorasho dadban, waxaan filayaa Malyanka Muqdisho iska diiwaangaliyay in ay marqaati ka yihiin” Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

    Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka 11aad ayaa noqonaya kan ugu dambeeya maadaama muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu ku siman yahay Abriil 2026, waxaa horyaalla qodobo muhiim u ah Doorashooyinka Dalka & kuwo kale oo masiiri ah.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.