Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Daccò Coppi.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, taageerada amniga, iyo barnaamijyada dib-u-dhiska ee ka socda dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey sida ay Dowladda Talyaaniga door ugu qaadatay taageerada Soomaaliya, isaga oo ku boorriyey sii wadista mashaariicda lagu horumarinayo Soomaaliya.
Dhanka kale, Safiirka Talyaaniga Pier Mario Daccò ayaa dankiisa sheegay in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay taageeridda Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed.