Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa kulan la yeeshay dhigiisa dalkaasi, iyaga oo kala saxiixday heshiisyo la xiriira dhinaca difaaca.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.
Kulanka kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay uga warbixiyeen nuxurka heshiiska la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka ee labada dal.
Xasan Shiikh iyo Cabdilfitaax Alsiisi ayaa ka hadlay xaalada gobolka iyo xasiloonida qaaradda Afrika.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli maalintii shalay la soo gaba gabeeyay wajiga labaad ee wada hadalada Soomaaliya iyo Itoobiya oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday.
Dowladda Masar ayaana kamid ah dalalka ka horyimid heshiiskii 1 bishii Janaayo ee sannadkan ay wada saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.