Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga ayaa booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara.
“Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo xasillooni,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Abriil 2, 2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jidda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.
Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa