War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo maanta kow ah, maadaama laga sooman yahay waddamada Islaamka oo ay ka mid tahay Soomaaliya.
Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay hambalyada munaasabadda bisha Ramadaan.
βDhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaanβ ayuu Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday laba arrin oo muhiim ah, wuxuuna ka dalbaday inay caawiyaan dadka danta yar iyo inay u duceeyaan dalka, si looga gudbo xaaladaha adag.

βBisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni iyo barwaaqoβ ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay βAlle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan, Ramadaan kariimβ.
Dhankiisa raβiisul wasaare Xamza ayaa hambalyo u diray shacabka βWaxaan hambalyo ku aadan curashada bisha barakeysan ee Ramadaan u dirayaa dhammaan Ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed