Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hakiyay qaxooti horey loogu fasaxay inay galaan Mareykanka, wuxuuna 1,500 oo askari oo kale u diri doonaa xadka Mexico.
Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka, Karoline Leavitt ayaa sheegtay in ay Madaxweyne Trump go’aansaday adkeynta Amniga xuduudaha.
Madaxweyne Trump wuxuu saxiixay amar fulin ah oo ku saabsan 1,500 oo askari oo dheeri ah oo loogu talagalay soohdinta koonfureed ee Mareykanka,” ayuu yiri Madaxweyne Trump
Sidoo kale, Amarka ayaa dhigaya in la joojiyay dhammaan dadkii doonayay in qaabka qaxootinimada ay ku soo galaan gudaha Mareykanka, laga bilaabo Janaayo 27.
Waxa kale oo wareegtada Trump lagu laalay go’aankii hoggaamiyihii ka horreeyay Joe Biden ee ahaa in uu tixgeliyo saamaynta isbeddelka cimilada ee gelitaanka qaxootiga.
Qoraalka ayaa lagu weydiistay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay in aan qaxootiga howlahooda la hakiyay, cidna aysan soo galeyn Mareykan.
Trump ololihiisii Doorashada waxa uu sameeyay ballanqaadyo la xiriira inuu xakameyn doono qaxootiga sida sharci darrada ku gala dalkaasi.