Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

    July 31, 2025

    DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

    July 30, 2025

    Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

    July 29, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

      July 31, 2025

      DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

      July 30, 2025

      Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

      July 29, 2025

      Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

      July 29, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Akhriso:- WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

      July 22, 2025

      Samatabbixiyeyaasha Congo oo gacmahooda ku qodaya si ay soo saaraan macdan qodayaal ku go’doonsan Dhulka.

      July 22, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

      July 31, 2025

      DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

      July 30, 2025

      Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

      July 29, 2025

      Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

      July 29, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Madaxweyne Putin oo caro darteed amar ugu bixiyay in heegan la geliyo hubka nugliyeerka

    Madaxweyne Putin oo caro darteed amar ugu bixiyay in heegan la geliyo hubka nugliyeerka

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 7, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ruushka ayaa bilaabay isu diyaarinta dhoolatuska gantaallada ee meel u dhow Ukraine. Dhoolatuskaas ayaa lagu sameynayaa sida iyadoo hub nukliyeer ah la adeegsanayo.

    Tallaabadan ayaa lagu sheegay in looga jawaabayo “hanjabaadaha” saraakiisha reer galbeedka.

    Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in hadaladii u dambeeyay ee madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain David Cameron ay ka dhigan yihiin “gebi ahaanba isbadel cusub oo xiisad colaadeed muujinaya”.

    Todobaadki hore, Mr Macron waxa uu diiday in uu meesha ka saaro suurtagalnimada in Ukraine la geeyo ciidamo Faransiis ah, haddii Kyiv ay codsato, halka David Cameron uu sheegay in Ukraine ay xaq u leedahay in ay hubka Ingiriiska u isticmaasho weerarrada ka dhaca gudaha Ruushka.

    Isniintii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in “cadawtinimada” Cameron ay ka soo horjeedo ballanqaadkii hore ee Ingiriiska ee ahaa in gantaallada riddada dheer ee Ukraine aan loo isticmaali doonin dhulka Ruushka, taas oo macnaheedu yahay in UK ay dhinac ka tahay “colaadda”.

    Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in jawaabta laga bixinayo duqaymaha Ukraine ee loo adeegsaday hubka Ingiriiska ee Ruushka ay ku lug yeelan karto in la beegsado xarun kasta iyo qalab kasta oo Milatari oo Ingiriisku ku leeyahay dhulka Ukraine iyo meelo ka baxsan.

    Waxa ay sidoo kale sheegtay in hadalka Mr Macron ee ku saabsan suurtagalnimada in ciidamo Faransiis ah loo diro Ukraine loo qaadan karo “Inay diyaar u yahay iska hor imaad toos ah oo lala galo Ruushka”.

    Labada safiir ee Ingiriiska iyo Faransiiska u jooga Moscow ayaa loo yeeray Isniintii.

     

    Dhoolatuska hubka Nukliyeerka ee taatikada ah ee lagu dhawaaqay Isniintii ayaa waxaa amray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee TASS.
    Qoraalka sawirka,Dhoolatuska hubka Nukliyeerka ee taatikada ah ee lagu dhawaaqay Isniintii ayaa waxaa amray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee TASS.

    Dhoolatuska hubka Nukliyeerka ee taatikada ah ee lagu dhawaaqay Isniintii ayaa waxaa amray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee TASS.

    Waxaa la filayaa inay dhacaan “mustaqbalka dhow” waxaya ka mid ahaan doono samaynta gantaalada iyo sidoo kale ciidamada cirka iyo badda.

    Hubka taatikada ah waa madaxyada nukliyeerka yar iyo hababka gaarsiinta loogu talagalay in lagu isticmaalo goobta dagaalka.

    Waxaa loo qorsheeyay in ay burburiyaan bartilmaameedyada cadowga ee aag gaar ah iyaga oo aan keenin shucaac baahsan oo saameyn leh.

    Dhanka kale, hubka istiraatijiyadeed ee Nukliyeerka, waa mid aad u weyn oo loogu talagalay in lagu rido meel fog – tusaale ahaan, inta u dhaxaysa qaaradaha. Ruushku waxa uu si joogta ah u sameeyaa dhoolatuska hubka nukliyeerka ee istiraatiijiga ah.

    Bishii Abriil, hoggaamiyiha muddada dheer ee Belarus Alexander Lukashenko ayaa sheegay in “dhowr darsin” oo hub nukliyeer ah ay yaallo dalkiisa.

    Afhayeen u hadlay sirdoonka Milateriga Ukraine ayaa ku gacan seyray ku dhawaaqista dhoolatusyada la sameyn doono.

    Laakin af hayeenka Nato Faarax Dakhlallah ayaa sheegay in ay tahay tallaabadaas “khatar iyo mas’uuliyad darro” wuxuuna caddeeyay in Nato ay sii wadeyso “feejignaanta”.

    Ka dib kulan ay Paris kula yeesheen Mr Macron iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, madaxa guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in ay rajaynayso in madaxweyne Xi uu gacan ka geysto sidii uu u dejin lahaa hanjabaadaha “mas’uuliyadda darrada” ee Ruushka.

    Hanjabaadaha Ruushka ayaa ku ku soo beegmaya iyadoo madaxweyne Vladimir Putin loo caleema- saaray madaxweynenimada markii shanaad.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa sheegtay in aysan dib dambe u tixgelin doonin Vladimir Putin inuu yahay madaxweyne sharci ah kadib caleema saarkiisa, waxayna ku boorisay dalalka kale iyo ururada caalamiga ah inay ku daydaan.

    Si kastaba ha ahaatee, ilo diblumaasiyadeed oo Faransiis ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in danjiraha Faransiisku uu ka qaybgeli doono xafladda.

    Jarmalka iyo dhowr waddan oo kale oo Yurub ka mid ah ayaa meesha ka saaray inay soo diraan ergadooda.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

    July 31, 2025

    DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

    July 30, 2025

    Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

    July 29, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

    July 31, 2025

    DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

    July 30, 2025

    Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

    July 29, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.