Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo shir-guddoomiyay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle iyo isku-xirka dadaalada xasilinta.
Shirka oo galay maalintii 3-aad ayaa lagu gorfeeyay amniga iyo cadaallada iyo sida wax ka beddel xooggan loogu sameeyay qeybahaasi.
“Waa inaan degmo walba ka hirgelinaa ciidamo xoog badan oo ilaaliyo heybada Dowladnimada.”
Ugu dambeyn madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle ayaa shacabka ku nool deeganada Hirshabeelle waxa uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka si loo gaaro Dowladnimo loo dhan yahay.
DHAMMAAD