Jowhar, 6-May-2024: Shirka Gollaha Wasiirrada waxaa maanta shir-guddoomiyay ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) waxana diirrada lagu saaray arrimo dhowr ah.
Ugu horreyn waxaa warbixin laga dhageystay Wasaarrada Amniga Guddaha oo si faahfaahsan u soo gudbisay xaaladdihii amni ee ugu dambeeyay iyo halka uu maarayo baacsiga Khawaarijta.
Sidoo kale Wasaarrada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa Gollaha Wasiirrada la wadaagtay bandhig dhaqameed ay toddobaadkan ku qabatay degmada Aaden Yabaal oo ka mid ah goobaha laga xorreeyay cadowga.
Wasaarradaha Arrimaha Guddaha, Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada iyo Xanaannada iyo Xoolaha ayaa soo gudbiyay waxqabadkooda iyo halka ay wax u marayaan.
Ugu dambeyn Madaxweyne Yuusuf Dabageed ayaa faray Gollaha Wasiirrada in la dardargeliyo dhammaan howlaha hor-tebinta u leh Dowladda Hirshabeelle.
DHAMMAAD