Madaxweyne Hore Farmaajo ayaa u Hambalyeeyay Gudoonka Baarlamaanka KGs ee Maanta la doortay.!
“Hambalyo
Waxaan soo dhaweynayaa doorashada
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed
Mudane Cali Siciid Fiqi iyo
Kuxigeennadiisa oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo.
Tallaabadan waxa ay muhiimad u
leedahay in hay’addaha dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed ay
helaan sharciyad ay ku gutaan
waajibaadkooda Dastuuriga ah, maadama uu dhammaaday muddo xilleedkoodii hore ee loo doortay.
Hambalyo guud ahaan xubnaha baarlamaanka 3aad ee Koonfur Galbeed iyo Guddoonkooda, waxaana u rajaynayaa in Alle uu u fududeeyo gudashada waajibaadkooda.

