Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa hambalyo la xiriirta guusha taariikhiga ee ku aadan xubinta aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee UN-ka u diray Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
1972-kii ayaa ugu dambeysay in Soomaaliya ay hesho booskan waxana ay uga dhigan tahay guul weyn oo noo soo hoyatay.
“Tani waxa ay ku timid dadaal wadajir ah. Soomaaliya oo dunida wax la qeybsaneyso waa guusha ugu weyn oo dhammaanteena noo abuureyso rajo weyn.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa arrintan ku boogaadiyay hoggaanka Dowladda Soomaaliya.