Jowhar: 19, Febaraayo, 2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Markuu arkay: Qodobka 51-aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle.
Markuu Arkay: In ay muhiim tahay dar-dargelinta Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle.
Markuu tixgaliyay: Aqoonta iyo Waayo aragnimada uu mudanahaan u leeyahay arrimaha warfaafinta iyo xiriirka bulshada.
Waxa uu Mudane Maxamed Shuuriye Nuur u Magacaabay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle.
-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE