Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha la doortay ee golaha deegaanka degmada Warsheekh ahna Duqa Magaalada iyo Ku Xigeenadiisa oo ku soo baxay doorashii maanta ka dhacday degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay golaha cusub ee deegaanka degmada Warsheekh iyo hanaanka ay u dhacday doorashada, isagoo sidoo kale ku amaanay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose dadaalka ay ku bixisay hirgalinta hanaan doorasho oo daahfuran.
Ugu dambeen Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Hirshabeelle ay ka go’an tahay dhameystirka iyo Maamul daadejinta dhamaan Degmooyinka Hirshabeelle si bulshada ay u doorato maamul iyaga ka yimid.