Madaxweynaha Jabuuti Isnaaciil Cumar Geelle ayaa iclaamiyay shir aan caadi ahayn oo ay Madaxda Dalalka Urur gobaleedka IGAD ka yeelanayaan xaaladda gobolka, gaar ahaan arrinta ku saabsan heshiiskii muranka dhaliyay ee dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.
Heshiiskan ayaa dhigayey iney labada dhinac is dhaafsadaan dhul badeed la siiyo Itoobiya iyo aqoonsi loogu bedelo Somaliland oo sheeganeysa iney ka go’day Somalia balse aan weli helin wax aqoonsi caalami ah.

Shirkan oo dhici doona 18-ka bishan January ayaa waxaa martigelin doona Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni.
Arrintan ayaa sheegay iney jawaab u tahay baaqii ay dhawaan soo saartay dawladda Soomaaliya, kaasoo dalalka IGAD looga codsanayay shir degdeg ah oo looga hadlayo xadgudubka ay Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Dadaalka diblumaasiyadda ee ay dowladda somalia waddo ayaa illaa hadda u muuqda mid guuleysanaya, maadaama ay isa soo tarayaan baaqyada iyo taageerada dowladaha qaar ee caalamka u muujinayaan ilaalinta midnimada Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA MADAXWEYNE GEELLE