Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa Isbitaalka ku booqday Ciidankeenna geesiyaasha ah ee kusoo dhaawacmay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo Dowladda Puntland Caafimaad ahaan ugu dirtay dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga, saraakiisha iyo dhakhaatiirta gacanta ku haysa Ciidanka soo dhaawacmay, wuxuuna ku adkeeyay in halkaasi laga sii wado daryeelka iyo daaweyntii Ciidanka, iyadoo dhaawacyada wax looga qaban waayay Itoobiya loo gudbiyay India .
Hawlgalka ayaa gaaray guulo waaweyn, waxaana hadda dhammaad ku dhow hawlgalka Hillaac ee ka socda Calmiskaad iyadoo uu ku xigo Hawlgalka Onkod ee Buuralayda Calmadow .