XIL KA QAADIS IYO MAGACAABIS AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA BIYAHA IYO TAMARTA DOWLADDA HIRSHABEELLE
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa markii uu arkay qoddobka 51-aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle waxa uu go’aansaday inuu isbeddel ku sameeyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Dowladda Hirshabeelle.
Xilkan ayaa laga qaaday Mudane Saciid Saalax Cabdiraxmaan waxana loo magacaabay Agaasime Guud oo KMG ah Mudane Maxamed Muuse Muxumed
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Agaasimaha Guud ee KMG ah inuu dardargeliyo shaqadda Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Dowladda Hirshabeelle.