Burdheere: 02, Sabteembar 2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka qeybgalay shirweyne nabadeyn ah oo lagu soo gunaanadayay colaadii ka jirtay deegaanka Burdheere ee degmada cadale.
Shirkaan nabadeed oo muddo dheer socday ayay labada beel ee walaalaha ah ku gaaren heshiis rasmi ah, iyagoo isla meel dhigay go’aannadii la isla qaatay iyo in dadkii deganaa deegaanka burdheere dib loogu soo celiyo guryihii ay uga barakaceen colaadii jirtay darteed.
“Ma aqbaleyno in wiil dambe uu inooga dhinto dagaal beeleed qofkii la arko isagoo colaad ka shaqeynaya gacan adag ayaan ku qaban doonnaa.”
Munaasabada lagu soo afjarayay colaadaan mudada dheer taagneyd waxaa kasoo qeybgalay Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Xubno iskugu jira labada gole ee dowladda Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Guddiga Nabadeyta, Waxgaradka, Culimada iyo Ururada bulshada rayidka.