Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa fariin hambalyo iyo dhiirogelin ah u diray dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada Hirshabeelle iyadoo 15-May ay ku asteysan tahay maalin u gaar ah dhallinyaradeenna.
Sannadihii u dambeeyay dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa door weyn ku lahaa kobaca dhaqaallaha, Waxbarrashada iyo Siyaasadda waxana ay aad ula jaanqaadeyn nidaamka dunida ay u guurtay ee Tiknoolajiyadda.
“Kaalin firfircoon oo muuqato ayay dhallinyarada ku leeyihiin horumar kasta oo dalkooda ah. Maalintan waxa ay kusoo aaday iyadoo loo diyaar-garoobayo wejiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta markale waxaa nala gudboon heeryada inaan iska tuurno.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa u rajeeyay dhallinyarada Soomaaliyeed badqab iyo baraare nololeed.