Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Madaxweyne Biden oo shalay un ogaaday in Lloyd Austin isbitaal la dhigay iyo dood ka dhalatay

    Madaxweyne Biden oo shalay un ogaaday in Lloyd Austin isbitaal la dhigay iyo dood ka dhalatay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 10, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Caabuq ayaa sababay in xoghayaha Difaaca dowladda Mareykanka Lloyd Austin la dhigo isbitaal 1-dii Bishaan, kadibna loo wareejiyo qeybta daryeelka gaarka ah ee isbitaalka la dhigay.

    Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa shalay uun ogaaday in wasiirka ugu muhiimsan xukuumadiisa laga helay kansarka borostaatada, sida uu sheegay Aqalka Cad.

    Mr Austin, oo 70 jir ah, ayaa la kulmay cambaareyn kadib markii ay soo baxday in saraakiil sar sare aysan muddo saddex maalmood ah waxba kala socon in la dhigay isbitaalka.

    Kadib wuxuu ka bixiyay raalligelin ah in xaaladdiisa aan si wanaagsan loo ogeysiin bulshada.

    Xoghayaha difaaca ayaa waxaa keliya ka sarreeya madaxweynaha marka la eego dhanka taliska milatariga Mareykanka, wuxuuna ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan golaha madaxweynaha.

    In aan arrintan la ogeysiin Aqalka Cad ayaa dhalisay walaac dhanka ammaanka qaranka ah iyo inay hubinti la’aan ka dhex jirto maamulka Biden.

    Aqalka Pentagon-ka ayaa xaqiijiyay in Mr Austin uu isbitaalka ku jiray ilaa shalay oo Talaado ahayd. Afhayeenkiisa faahfaahin kama uusna bixin xilliga laga soo bixin doono isbitaalka.

    Shir jaraa’id oo shalay la qabtay, ayaa Aqalka Cad waxaa la weydiiyay su’aalo dhowr ahaa oo uga yimid weriyeyaasha kuna saabsan sida loo maareeyay xaaladda wasiir Austin.

    Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka dalkaas John Kirby ayaa sheegay in Madaxweyne Biden shalay uun lagu wargeliyay xaaladda iyo xanuunka la soo dersay wasiirka.

    Mr Biden iyo Austin ma aysan wada hadlin kadib makrii isugu war dambeysay oo ahayd Sabtidii, sida uu sheegay Kirby.

    Dhanka kale, shir jaraa’id oo uu shalay qabtay Pentagon-ka ayuusan xoghayaha warfaafinta ee Ciidamada Cirka Maj Gen Pat Ryder wax sharraxaad ah ka bixin sababta uu Mr Austin mar hore uga hadlin xaaladdiisa.

    Wuxuu sheegay in xaaladda kansarka borostaatada ay tahay mid shakhsiyadeed.

    Aqalka Pentagon-ka ayaa sidoo kale sheegay in sababta ay arrintan u dhacday ay tahay in xubin sare oo ka tirsan xafiiska Austin uu hayay hargab

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.