Madaxweyne hore shariif sheekh Axmed ayaa ka hadalay doorashada maanta ka dhacday Magaalada Garowe ee lagu doortay mar kale Saciid Cabdulaahi Deni
Qoraal uu bartiisa face soo dhigay Madaxweyne hore shariif sheikh Axmed ayaa u qornaa sidaan
Hambalyo Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo loo doortay inuu mar labbaad hoggaamiyo Dowlad Goboleedka Puntland.
Waxaan Allaah kaaga rajaynayaa inuu kugu guuleeyo mas’uuliyaddan laguu doortay, aadna horseed u noqoto xasilloonida, horumarka iyo baraaraha Puntland.
Dhamman siyaasiyiinta, musharrixiintii xilka Madaxweynaha Puntland iyo guud ahaan shacab qiimaha badan ee reer Puntland waxaan ku boorrinayaa inay gacmaha is qabsadaan,
taageeraan Madaxda la doortay, wadajirka uga shaqeeyaan horumarka Puntland iyo guud ahaan dalkeennaayuu yiri Madaxweyne hore Shariif sheekh Axmed.
Sidoo kale Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Halmablyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Face book Madaxweyne hore Maxamed Cabdsulaahi farmaajo ayaa u qornaa sidaan:
Waxaan hambalyo leeyahay walaalkeey H.E Said Abdullahi Deni oo maanta markale loo doortey inuu noqdo Madaxweynaha Puntland shanta sano ee soo socota.
Waxaan bogaadinayaa guddigii doorashada iyo Baarlamaanka Puntland, aniga oo ku amaanaya sida hufan ee ay u guteen waajibkii ka saarnaa doorasho aan rabshad wadan inay ka dhacdo Puntland.
Waxaan ugu baaqayaa reer Puntland inay gacmaha is qabsadaan, kana shaqeeyaan horumarka iyo dhismaha maamulkooda, qaybna ka noqdaan geediga dib loogu dhisayo guud ahaan Soomaaliya ayu yiri Madaxweyne hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.