Madaxweynahii Koowaad Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Barta Facebook iyo Twitter ku leeyahay ayoow ku qoray qoraal hoos ka Muuqdo.
Mudane Cosoble ayaa yiri
Shirka looga soo horjeedo Ugaska Xawaadle ee hadda la caleemo saaray ee la rabo in lagu qabto degmada Maxaas waxaa wada koox danley ah oo rabta iney kala qeybiyaan beesha Xawaadle, ujeedkoodana waa iney masabidaan Cali Madaxweyne kuna sheegaan inuu ka baxay Xawaadle. Waa shir xaaraan ah.
Waxgaradka aqoonyahannada iyo dhaqanka beesha Cali Madaxweyne raali kama aha, weligoodna raali kama noqon doonaan, shir Cali Madaxweyne looga saarayo beesha Xawaadle.
Cid walba ee u dhalatay beesha Cali Madaxweyne waxaa waajib ku ah iney ilaaliso midnimada Xawaadle waxaana laga rabaa iney ka hor tagto shirka ujeeddo xun. Fadlan fariintaan la wadaag Xawaadle iyo Caliga toosan.
Q/W Cali Cabdullaahi Cosoble
Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Radio Halgan