Mudane Cosoble
Celadhaan
Waxaa ii muuqata siyaasadda Madaxweyne Xasan Shekh Maxamud ee ku wajahan Gobolka Hiiraan iney fashil tahay, waxaana caddeyn u ah dadka uu soo dirsaday ee uu rabo iney ka fuliyaan Gobolka Hiiraan siyaasadda dowladdiisa.
Mudane Madaxweyne uma heysan in sidaa sahalka ah laguu indha sarcaadin karo oo aad aamineyso qorshaha iyo talada dad aad si fiican u taqaan oo iney wax ku cayaaraan mooyee aan weligood waxba hagaajin.
Mudane Madaxweyne waxaan kugula talinayaa inaad u soo dirsato Gobolka Hiiraan dad isku wadi kara iskuna xiri kara Xawaadle iyo dowladda dhexe, inta eysan xeero iyo fandhaal kala dhicin iyo weliba inaad la tashi la sameyso Ugas Yusuf Ugas Xasan Ugas Khalif. Haddey sidaa dhici weydo ogow mudane madaxweyne Adiga iyo Xawaadle isma heysaan.