Madaxweynahii koowaad ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosobe ayaa yiri
Waxaan la yaabanahay garasho xumada Xil Maxamed Abukar Islaw ee u heysta Hiiraan iney dhimatay. Islaw Hiiraan ma dhimane wey nooshahay balse Hirshabelle ayaa dhimatay. Si aad xaqiiqda u soo ogaato booqasho xuuraansi ah ayaan kugu geynayaa Hiiraan ee soo diyaar garow
His ka aqriso Wasiir hore
Waxaa Nasiib darro ah in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xilligan faafiso Maabka Soomaaliya oo jiritaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle lagu inkirayo, kana dhigaya laba Gobol.
Waxaan canbaareynayaa in xilligan ay Wasaaraddu adeegsato Khariirad la diyaariyay sanadkii 2011, taasoo abuureysa kala qeybin iyo xiisado siyaasadeed, dibna noogu celineysa xaalad laga soo gudbay 13 sano ka hor.
Waxaan Wasaaradda Batroolka iyo Xukuumadda Federaalka ka dalbaneynaa inay cudurdaar ka bixiso xadgudubka ay kula kacday Hirshabeelle iyo Dowlad Goboleedyada kale.