Muqdisho(radiohalgan.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xildhbaan hore Abdulqadir
Sheikh Xanafi in uu noqdo La-taliyaha Madaxweynaha arimaha carabta Honourable Abdulqadir Sheikh Xanafi
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Abdulqadir Sheikh Xanafi u aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay hannaanka faca weyn ee diblumaasiyadda dalka, duruufaha ku xeeran iyo ahmiyadda xiriir caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka. Abdulqadir
Sheikh Xanafi
Dhanka ka Bahada Radio Halgan ayaa u hamabalyeyay La-taliyaha Madaxweynaha arimaha carabta Honourable Abdulqadir Sheikh Xanafi Madamo Sxb dhow ee Radio Halgan yahay