Xog gaar ah: Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saaka waqti hore gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.
Safarka Madaxweynaha oo ahaa mid aad xogtiisa loo qariyay, majirin wax masuuliyiin dowladeed ah la socday.
Diyaarad gaar ah ayuu ku tegay Madaxweynuhu, waxaana la socday Kaaliyihiisa gaarka ah, Madaxa Habmaamuuska iyo illaalo kooban. Madaxweyne Xasan ayaa saacad kaddib ku laabanaya Muqdisho.
Sida aan ogaanay safarka Madaxweynaha waxaa laga qariyay Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa, waxaana garoonka ka qaaday Raysal Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed oo waqtigan ay xafiiskiisa uga socdaan wadahadallo gaar ah.
Xogta safarka oo faahfaahsan iyo wax laga wadahadlayo waxaad mardhow ka helaysaan radiohalgan.com