Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), ayaa maanta safar rasmi ah ku tagaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Safarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee uu madaxweyne Ciro ku tago dal dibadda ah tan iyo markii uu xilka la wareegay.
Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska madaxtooyada ayaa sheegay in safarka uu salka ku hayo xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii uu kulamo ula yeelan lahaa Madaxda Kenya.
Safarkaan ayaa Mr Cirro waxaa ku wehlin doono xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale, iyaga oo Madaxa Kenya kala hadli doono xiriirka labada dhinac.
Hore Madaxweyne Cirro wuxuu hore u tagey dalalka Imaaradka Carabta iyo Jabbuuti oo maalmo ka hor uu ka soo laabtay.