Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambaleeyay madaxweynaha mar kale helay codka Dadka Maraykanka ee Donald Trump kaddib markii uu guul muhiim ah ka gaaray Kamala Harris.
Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Donald Trump u rajeeyay in uu xoogga saaro xoojinta cilaaqaadka Dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya sida dhinaca Amniga, Iskaashiga iyo Danaha labada Qaran sida uu hadalka u dhigay.
Donald Trump ayaa Madax kala duwan ka guddoomay hambalyo ka dhalatay guushii uu ka gaaray Doorashadii ka dhacday Dalka Maraykanka oo ugu dambeyn isaga Xisbigiisa Jamhuuriga meesha ay ka saareen awood maamulkii Dimuqraadiga.
Trump oo la hadlay taageerayaashiisa ayaa u ballanqaaday in uu isbaddel weyn ku sameyn doonto waxyaabihii ay ka gaabiyeen madaxda xafiiska kasii degeysa, waxaana indhaha lagu hayaa Dadka soogalootiga ah oo ah waxa ugu weyn uu codka uga helay Kamala Harris.