Q/W Wariye Mohamed Ibraahim
1.Sugidda amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada oo Madaxweynaha lagu xasuusto sida uu hormuudka ugu ahaa howgalka Hirshabelle Argagaxisada looga saaray, Hirshabelle amniga oo Argagaxiso ka caagan ayaa hadda la wada arkaa.
2.Daadajinta maamulka si bulshada u doortaan maamulka aay iga leeyihiin waxaana deegaanno badan oo Hirshabelle kamid ah laga dhisay Golaha deegaanka oo madaxdii Madaxweyne Cali Guudlaawe ka horeysay ku fashilmeen.
3. Dib-u-Heshiisiinta Madaxweynaha Cali Guudlaawe iyo madaxda maamulka uu hormuudka ka yahay waxa aay soo hooyeen guulo waa weyn oo dhanka dib-u-heshiisiinta haddii aay ahaan laheyd beelaha dagaalamay iyo Mucaaradka Hirshabelle kasoo horjeeday oo lagu wajahay Wadar ogol.
4. Fulinta Mashaariic horumarinta sida Waddooyinka Garoomo diyaaradeed goobo Waxbarasho Caafimaad IWM oo dhammaan laga fuliyay halka qeybo kalane hadda shaqooyinkooda ka socdaan deegaanada Hirshabelle.
5. Madaxweynaha waxa uu kalaalin muuqata ka qaatay hagidda Doorashada Soomaaliya waxuuna sameyn weyn oo Siyaasi ah ku leeyahay Siyaasadda Soomaaliy.
Hadda marka aay halkaasi mareyso ma jirto sabab diidi karta in Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen uu Hirshabelle hoggaamiyo 5-Sanno oo kale si loo gaaro Bash-bash iyo Baraaraha hadda biloowday.