Kulanka waxaa goobjoog ahaa masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyadda Hirshabeelle waxaana looga hadlay geedi-socodka dowlad-dhiska, nabadeynta, ciribtirka khawaarijta, xasilinta degaanada laga xorreeyay argagixisada, arrimaha gargaarka, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaallaha iyo horumarinta geedi socodka dimuqoraadiyadaynta ay ugu horeeyaan dhismayaasha goleyaasha deegaanka si loo helo dowladdo hoose oo karti u leh u adeegista bulshada.
“Dowladda Sweden waxa ay ka mid tahay Dowladdaha taageerada joogtada ah siiyo Soomaaliya waan uga mahadcelinayaa.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kaaga mahadceliyay Safiirka Sweden ee Soomaaliya booqashada shaqo ee uu maanta ugu tagay Madaxweynaha.