Matabaan, 29-May-2024: In ka badan 20-mashruuc oo kala duwan ayuu galabta xariga ka jaray Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Mashaariicdan ayaa isugu jirtay xarunta maamulka ee degmada Matabaan, Saldhigga Booliska, Suuqa Xoolaha, Suuqa Ganacsiga, Garoonka Kubbadda cagta, Xarumo Caafimaad, Ceelal iyo Leyrarka Cadceeda ku shaqeeyo.
Dadka deegaanka iyo Guddoomiyaha degmada Matabaan Bashiir Sheekeeye ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle taariikhda uu ka sameeyay degmada Matabaan.
“Waad mudan tihiin intaan iyo ka badan waana hiilka aad ku leedihiin Dowladiinna.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa xusay inay ka go’an tahay horumarinta deegaanada Dowladda Hirshabeelle.
DHAMMAAD