Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa si rasmi ah galabta xariga uga jaray xarunta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo ka mid ah Wasaaraddaha shaqadda adag u haayo shacabka Hirshabeelle.
Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamaanka, Maamulka Gobalka midka Degmada iyo qeybaha bulshada.
“Daah-furka dhismaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxa ay muujineysaa sida ay nooga go’an tahay badqabka iyo daryeelka dadkeenna.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray madaxda Wasaaradda Caafimaadka inay u khidmeeyaan bulshadooda.