Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa xly ka qeybgalay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen maamulka degmada Matabaan taas oo ka dhacday xarunta degmada.
Shacabka Matabaan ayaa ka mahadceliyay taariikhda uu u sameeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
“Waxaad na tusteen heer aan qiyaas laheyn oo la xariirto Dowladnimada Hirshabeelle. Waxaan hambalyo leeyahay bulshada Geri-jir oo ay u ansixiyeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle degmanimo.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa guul iyo barwaaqo u rajeeyay shacabka uu caawa kula kulmay degmada Matabaan.