Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa waxa uu kulan kula qaatay madaxa howlgalka ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Mohamed El-Amine Souef kaas uu kuurgalayo ciidamada ATMIS ee ka howlgalo deegaanada Dowladda Hirshabeelle.
Danjire Mohamed El-Amine oo ay ku wehlinayeen kulanka saaraakiil ATMIS ayaa tilmaamay inay meel wanaagsan mareyso dhammeystirka ka bixitaanka ATMIS ee Hirshabeelle waxa uu intaas ku daray inay soo dhawaatay waqtiga ay ciidamada wareejin lahaayeen goobaha ay ku sugan yihiin.
“Dowladda Hirshabeelle waxa ay si dhow ula socotaa arrimaha ka bixitaanka ciidamada ATMIS. Waxaan diyaar u nahay xaqiijinta ammaanka goobaha ay faarujin doonnaan. Aad ayaan ugu mahadcelinayaa kaalintiina shaqo.”
Ugu dambeyn Madaxweynaya Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa danjiraha kaga mahadceliyay soo gaaritaankiisa magaalada Jowhar iyo magaallooyinka kale ee Hirshabeelle.