Jowhar, 25-September-2024: Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa waxa uu ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaarrada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha XJFS Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beene Beene).
Sidoo kale shirkan waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaarrada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Hirshabeelle Mudane Maxamuud Cabdi Cali.
Wasiirka ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha ujeedka safarkooda waxana uu xusay inay Jowhar ku qabanayaan Daah-furka shirka wadatashiga Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ 2025-2029).
Shirkan ayaa lagu falanqeyn doonaa tiirarka qorshaha isbeddelka Qaranka oo ay ka mid yihiin maamul wanaaga, siyaasad loo dhan yahay, sareynta sharciga, amniga, dib u habeynta Hay’addaha Dowladda, horumarinta dhaqaallaha, horumarinta arrimaha Bulshada, karaanka Aadanaha iyo La-qabsiga Isbeddelka Cimilada.
“Waan ku faraxsanahay shaqadda wadajirka ee labada Wasaarradood iyo Hay’addaha kale ee aad wada shaqeynta leedihiin.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay Wafdiga Wasiirka Qorsheynta ee Federalka soo gaaristooda magaalada Jowhar.