Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa tacsi u diray qoyska, asxaabta iyo shacabka Soomaaliyeed uu ka geeriyooday Ugaas Mowliid Ugaas Cabdullaahi Ugaas Axmed.
Ugaas-ka ayaa ka mid ahaa dhaqanka waqtiga geliyay dhismaha Dowladda Hirshabeelle waxana uu ku lahaa door weyn.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa qoyska, asxaabta iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Ugaas Mowliid Ugaas Cabdullaahi. Kaalin muuqato ayuu ku lahaa Dowladda Hirshabeelle.”
Gabogabadii Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa Rabbi ugu baryay inuu geeyo Janna Fardowsa.