MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO DHIIROGELIN UGU TAGAY CIIDAMADA HOWGALKA KA WADA WADADA ISKU-XIRTO BALCAD IYO JOWHAR.
Balcad, 25-Oktoobar-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tagay deegaanka Mukay-dheere oo ay ku sugan yihiin saraakiisha hoggaamineyso howgalka Ciidamada Dowladda Hirshabeelle iyo kuwa Xoogga Dalka ee lagu soo af-jarayo Khawaarijta.
Ugu horreyn Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Hirshabeelle Sarreeye Guuto Xasan Dhicisoow ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyay sida uu socdo howgalka.
Taliyaha ayaa warbixintiisa ku xusay inay sahaydii ka jareen Khawaarijta ku sugan deegaanka Yaaqle oo ay wajahayaan go’doon adag xilligan.
“Waxaan halkan idin kugu imid sidii aad u dardargelin laheyd dagaalka aan Hirshabeelle kaga cirib-tireyno Khawaarijta.”
Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa geel ku wareejiyay ciidamada taas oo qeyb ka ah dhiirogelinta ciidamada naftood-hurayaasha ah.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xusay kaddib howgalka inuu bilaaban doono dhismaha laamiga isku-xirayo magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.
DHAMMAAD