Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Garoowe uga qeybgalay kulan qado sharafeed ah uu u sameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid .
Kulankaan balaaran ee qado sharafta ah waxaa kasoo qeybgalay Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi, Gudoomiye Ku Xigeenkii hore ee Baarlamaanka Dalka Kenya Xildhibaan Faarax Macalin, Wafdiga Madaxweynaha oo ka koobnaa Wasiirro iyo lataliyaal, Xildhibaano ka socday labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Qaar kamid ah labada gole ee Dowladda Puntland, Siyaasiyiin xilal kala duwan hore usoo qabtay iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid casuumada sharafeedka uu u sameeyay isagoo xusay in Magaalada Garoowe ay u yimaadeen ka qeybgalka munaasabada caleemasaarka hogaanka puntland sidoo kalana Dowladaha Hirshabeelle iyo Puntland uu ka dhaxeeyo xiriir iskaashi oo dhinacyo badan.