Kulanka waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).
Ugu horreyn waxaa la dhaariyay xubnaha cusub ee ka mid noqonayo Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle, xubnaha la dhaariyay waxa ay kala yihiin:-
1. Saciid Hagar Camalloow (Wasiirka Wasaarrada Waxbarrashada iyo Tacliinta sare).
2. Cabdifataax Xasan Faarax (Wasiirka Wasaarrada Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada).
3. Sakariye Khaalid Cabdi (Wasiirka Wasaarrada Ganacsiga iyo Warshaddaha).
Wasaarradaha Amniga, Arrimaha Guddaha iyo Xannaanada iyo Xoollaha ayaa laga dhageystay warbixino ku aadan xaaladdihii amni ee ugu dambeyay Dowladda Hirshabeelle, Shirweynihii dhawaan ka dhacay magaalada Jowhar iyo sida ay u socoto shaqadda Wasaarrada Xannaanada iyo Xoollaha.
Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka qaab-dhismeedka shirkaddaha amni ee gaarka loo leeyahay.
Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray xubnaha Golaha Wasiirrada inaan fasax la geli karin bisha Ramadaan taas beddelka si adag loogu khidmeeyo shacabka Hirshabeelle.