Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Difaaca Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Saraakiil kale.
Kulanka ayaa looga hadlay qaabkii Khawaarijta looga sifeyn lahaa deegaanada yar ay kaga joogaan Dowaladda Hirshabeelle.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa madaxweynaha la wadaagay sida loo soo af-jarayo iyo diyaar-garoowga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
“Ugu horreyn Wasiirka, Taliyaha iyo Saraakiisha kale waxaan uga mahadcelinayaa dhammeystirka dagaalka Khawaarijta iyo dadaalka ay ku bixinayaan sidii loo soo af-jari lahaa iyagoo gacan ka helayo ciidamada deegaanka.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u rajeeyay guul naftood-hurayaasha ku howlan sidii dalka looga xorreyn lahaa Khawaarijta caadeysatay dhiigga dadka shacabka ah.