Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gelinkii dambe ee maanta kaga qeyb galay Xarunta Midoowga Yurub ee magaalada Muqdisho xuska Maalinta Midoowga Yurub oo ku beegan berri.
9-May sannad walba dunida waxaa looga dabaal-degaa maalinta Midoowga Yurub taas oo ka tarjumeyso Nabad iyo Midnimo.
Ka hor kulanka Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-doceed la yeeshay Safiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Karin Johansson waxana uu la wadaagay farriintan: “Waxaan halkan u imid inaan farxada maalintooda kala qeyb galo shacabka iyo Dowladdaha ku mideysan Midoowga Yurub oo maalintan u tahay maalin weyn.”
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhiggay howlaha uu qabtay howgalka Midoowga Yurub ee Soomaaliya oo loo yaqaano EUCAP kaas oo mashaariic badan ka hirgeliyay Soomaaliya.
Ugu dambeyn Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku hadlay afka madaxdii kala duwaneyd ee goobta ku sugneyd waxana uu ka mahadceliyay kaalinta Midoowga Yurub ee Soomaaliya.