Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta la unkay Calan Soomaaliyeed oo ku beegan berri oo ay taariikhdu tahay 12-ka Oktoobar.
Naqshada Calanka Soomaaliyeed waxaa curiyay Allaha u naxariisto halgamaa Maxamed Cawaalle Liibaan waxaana la go’aamiyay 12-kii Oktoobar 1954-tii.
Sida dad badan ay taariikhda ku haayaan gumeystihii waqtigaas ayaa dood badan ka keenay nooca Calanka iyadoo uu kaga adkaaday Maxamed Cawaalle oo sidaas ku galay quluubta dadka Soomaaliyeed.
Muwaadiniin badan ayaa god ugu jiro difaaca Calanka Soomaaliyeed halka kuwa kale ay u naafoobeen, welina waxaa jira halgamayaal kale oo hardan ugu jiro dhowrista sharafka Calanka,waxaana ka mid ah Waddaniyiinta dagaalka kula jiro Khawaarijta.
“Hambalyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed maalinta Calanka oo ah 12-ka Oktoobar. Maanta oo kale waa maalin mudan inaan maamuusno halyeeyada dalka taariikhda u galay oo aan karaameynaa.”
Ugu dambeyn aan isku garabsano Soomaaliya mid ah horumarsan waana ammaanada dadkii inooga horeeyay halganka.