Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Puntland, kaas oo ay Madaxweynaha ku wehliyeen xubno kamid ah Golaha Xukuumadda Iyo xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada Puntland.
Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo ayaa looga Hadlay Amniga guud ee Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug, dib-u-habeynta Ciidanka iyo xoojinta wada shaqaynta Hay’addaha Amniga iyo bulshada.
Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni darro ama aad aragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.” Ayaa lagu yiri, war kasoo baxay Ciidamada Booliiska Puntland.
Kulankaan Madaxeynaha Dowladda goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Saraakiisha ciidamada, ayaa ku soo aadayo xilli Maalmahii u dambeeyey ay wadeen maamulka puntland hawlgallo ay ku xaqiijinaayaan amniga.