Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.
Waxaa maantay Madaxtoyada Galmudug kusoo dhaweeyay Wafdi kadocsa Hayadda MSF Soomaaliya.
Wafdiga ayaa waxaa siwadajir ah u qaabilay qeyb kamid ah Golaha Wasiirada Galmudug, Agaasimaha Guud ee Madaxtoyada Galmudug , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Gudomiyaha Gobolka Galagaduud, Duqa Caasimadda Dhusamareeb iyo Taliyah boliiska Galmudug iyo xubno kale oo kamid ah dowladda galmudug.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arimaha Caafimaadka Galmudug iyo sidii loo balaarin lahaa adeegyada Caafimaad ee Hayadda MSF ka waddo Galmudug.
Ugu danbeyntii Dowladda iyo Hayadda MSF ayaa isla qaatay in la dardargaliyo adeegga Caafimaad ee ay hayaddu waddo iyo inay sidhow u wada shaqeeyaan wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo Hayadda MSF.