Close Menu
    What's Hot

    MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

    February 8, 2026

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

    February 8, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

      February 8, 2026

      GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

      February 8, 2026

      Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas 

      February 8, 2026

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

      February 8, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

      February 8, 2026

      Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas 

      February 8, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Madaxda aan diyaaradaha ka dagin ee Afrika iyo lacagaha ku baxa safaradooda

    Madaxda aan diyaaradaha ka dagin ee Afrika iyo lacagaha ku baxa safaradooda

    By radiohalgan.comFebruary 22, 20247 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Tan iyo markii madaxweynaha Kenya iyo kan Nigeria Bola Tinuba ay noqdeen xilka qabteen, waxay la kulmayaan dhaleecayn oo ku saabsan safarada joogtada ah ee ay dibadda ugu baxaan.

    Labadaan nin waxay noqdeen kuwo laga bixiyo qeexitaanno aan qurux badnayn – eedaymaha la xidhiidha jeclaysigooda safarka hawada ah waxay ka badan yihiin kuwa xaaladdaha cakiran ee dhaqaale ee dalka gudahiisa ka jira.

    Warsidaha kasoo baxa dalka Kenya ee Standard ayaa madaxweyne Ruto ku naanaysay ‘Madaxweynaha duulaya’ waxuuna qoray wargeysku “Jacaylku uu u qabo safarka cirka ah waxuu u muuqdaa xitaa in uusan lumin karin fursad kasta oo uu heli karo” waloow uu xoogga saarayo dalabaadka gudaha, sida wax ka qabashada sare u kaca nolosha.

    Bishii lasoo dhaafay, iyadoo madaxweyne Tinubu safar kale ku tegay Yurub, hogaamiyaha mucaaradka Nigeria Atiku Abubakar ayaa baraha bulshada ka sheegay in Nigeria aysan u baahnayn “Dalxiise taliya”. Wuxuu dhaleeceeyay safarkan gaarka ah ee madaxweynaha iyadoo siduu sheegay “ay Nigeria dhex makhuuranayso, badweyn amni-darra ah”.

    Siyaabaha qaarkood tan waxaa loo arki karaa dhaleecayn raqiis ah, taas oo uu adeegsan karo eedeeye kasta. Madaxweyneyaashu waxay u baahanyahiin in ay tagaan shirarka madaxda dowladaha si’ay u xoojiyaan xidhiidhka shisheeye. Sababo diblumaasiyadeed dartood oo kaliya muhiim uma aha , laakiin sidoo kale waa kuwo dhaqaale oo maalgashiyo dalku ka faa’iido keenaya.

    Laakiin dadka qaar ayaa tilmaamay in madaxweynahii hore ee Tanzania John Magufuli uusan waligiis u safrin meel ka baxsan Afrika lixdii sano ee uu xilka ku fadhiyay.

    Ruto iyo Tunibo

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    ‘Isweynayn shaqsiyadeed’

    Falanqeeyaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya Borofeesar Macharia Munene ayaa qiray in safarada qaar ay lagama maarmaan yihiin, balse sidoo kale kuwo kale oo shaki la’aan gabi ahaanba khasaare ah in ay jiraan.

    “Waxaad leedihiin madaxweynayaal jecel in ay hawada galaan…Safarradan qaarkood waa isweynaysiin shakhsi ah, wax badanna uma hayaan dalka,” ayuu u sheegay BBC-da.

    Afhayeennada labada madaxweyne ee Kenya iyo Nigeria waxay difaaceen in safaradoodu ay yahiin kuwo muhiim ah iyo in ay waxka qabtaan dhibaatooyinka lagu eedeeyay in ay iska indh-tiraan.

    Siddeedii bilood ee tan iyo markii uu xilka la wareegay, Madaxweyne Tinubu waxa uu sameeyay 14 safar – celcelis ahaan waxa uu ka yar yahay laba bishii – laakiin tani waxaa ka sara maray Mr Ruto, oo ilaa 50 safar dibadda ah u baxay tan iyo markii uu noqday madaxweynaha 2022 – celcelis ahaan in ka badan saddex safar bishiiba.

    Marka la barbardhigo, Madaxweynihii ka horreeyay Ruto, Uhuru Kenyatta, waxaa uu tobankii sano ee uu xilka hayay, celcelis ahaan galay bishiiba hal safar oo dibadda ah, si la mid ah taariikhdii Madaxweynihii hore ee Nigeria, Muhammadu Buhari, inkastoo marka la eego wadarta maalmaha uu dibadda ku maqnaa, farqigu uusan ahayn wax sidaas u badan.

    Bishii Agoosto wuxuu booqday Benin, iyo Sebtembar Hindiya, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Mareykanka oo uu ka qeyb galay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ka hor inta uusan ku laaban Paris.

    Waxa uu hoy u ahaa Oktoobar oo dhan dalkiisa ka hor inta uusan dib u bilaabin safarro uu ku tagay Saudi Arabia, ka dibna dhammadkii November Guinea-Bissau iyo Jarmalka ka dib wuxuu u safray Dubai.

    Madaxtooyada Nigeria ayaa sheegtay in safarradan ay muhiim u yihiin soo jiidashada maalgashiga shisheeye.

    “Safar kasta oo dibadda ah oo aan galay, fariinteyda ku socota maalgashadayaasha iyo ganacsatada kale waxay ahayd mid isku mid ah. Nigeria waxay diyaar u tahay oo u furan tahay ganacsi,” ayuu Madaxweyne Tinubu ku yiri farriintiisa sanadka cusub ee 2024.

    Hogaamiyayaasha kale ee caalamka ayaa sidoo kale kor u qaaday safarkooda hawada sare, laakiin Mr Ruto iyo Mr Tinubu ayaa wajahaya su’aalo ku saabsan in safar kastaa uu muhiim yahay iyo in kale.

    Hogaamiyayaasha Nigeria iyo Kenya ayaa labaduba ku sugnaa Yurub dhammaadkii bishii hore – Mr Ruto oo ku sugan dalka Talyaaniga oo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedka Talyaaniga iyo Afrika, halka Mr Tinubu uu sii watay “booqashadiisa gaarka ahayd” ee Faransiiska, waana markii saddexaad oo uu dalkaas tago tan iyo markaa tan iyo bishii May ee la soo dhaafay. Sidoo kale, Mr Ruto waxa uu isna ku maqnaa safarro kale.

    Ruto

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Bishii Juun 2023, saddex toddobaad uun ka dib markii uu xafiiska qabtay, Mr Tinubu wuxuu u safray Paris shir-madaxeedka cimilada oo laba maalmood ah. Waxa uu hore u joogay bilo ka hor “si uu u nasto” oo uu u qorsheeyo kala guurka wax yar ka dib markii loo doortay madaxweynaha.

    Kadib waxa uu u aaday UK si uu wadahadalo gaar ah ula yeesho madaxweynihii isaga ka horreeyay, kaas oo sidoo kale u safray inuu “nasto” doorashada ka dib. Toddobaad ka dib, Mr Tinubu waxa uu aaday Guinea-Bissau oo uu shir kula yeeshay ururka Galbeedka Afrika ee Ecowas, ka dibna safar uu ku tagay Nairobi.

    Jadwalka socdaalka Mr Ruto tan iyo markii xilka loo magacaabay 2022 kii ayaa ahaa mid aad u xamaasad badan. Intii u dhaxaysay bishii Sebtembar ee sannadkaas iyo bishii December ee ina dhaaftay waxa uu dibadda u baxay ugu yaraan laba jeer bishii. Bishii Maajo 2023 wuxuu sameeyay shan safar. Waxa uu safaro kala duwan ku tagay dalal kala duwan oo Afrikaan ah, Yurub iyo Maraykanka oo uu ka soo qayb galay dhacdooyin caalami ah iyo kulamo laba geesood ah.

    Sannadkan, bishii Janaayo, wuxuu ku sugnaa Uganda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Talyaaniga. Horaantii bishaan, Madaxweyne Ruto wuxuu tagay Japan iyo UAE.

    Su’aashu keliya ma’aha cadadka tirada, ee waxay su’aal ka taagantahay kharashka ku baxaya safarada.

    Mr Tinubu ayaa la sheegay in ugu yaraan 3.4 Bilyan oo lacagta naira ah oo u adhiganta ($2.2m; £1.8m) uu ku bixiyey safarrada gudaha iyo dibadda lixdii bilood ee ugu horreysay ee uu madaxweynaha ahaa – 36% in ka badan miisaaniyadda loo qoondeeyey 2023, sidaas waxaa qoray wargeyska Punch ee Nigeria ka soo baxa. Iyadoo laga tixraacayo barta GovSpend, oo ah madal teknoolojiyadda madaniga ah oo la socota kharashaadka dowladda.

    Kenya, Kormeeraha Miisaaniyadda, oo ah xafiis madax-bannaan oo kormeera kharashaadka dowladda, ayaa muujiyay koror weyn oo ku yimid kharashka socdaalka ee xafiiska madaxweynaha illaa bishii Luulyo ee sannadkii hore – oo ay ku jirtay sagaal bilood oo madaxweyne Ruto xilka hayay.

    UAE

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Guud ahaan kharashaadka ku baxay safarrada gudaha iyo dibadda ee sanadka ayaa ka badnaa 1.3 Bilyan oo shilinka Kenya ah ($9.2m; £7.3m), taasoo ka badan miisaaniyada socdaalka ee sannadkii hore in ka badan 30%. Afhayeenka dowladda Kenya ayaana wax jawaab ah ka bixin su’aalaha BBC-da ee ku saabsan safarrada Mr Ruto, inkastoo madaxweynaha iyo afhayeenku ay marar badan cudur daar ka bixiyeen.

    Mr Ruto ayaa laftirkiisa sheegay in uusan u socdaalin sida dalxiiska oo kale safaradana ay lagama maarmaan u yihiin in la helo maalgashi shisheeye iyo in shaqo abuur loo sameeyo shacabka Kenyaanka ah ee dibadda jooga – waxa uu dhawaan sheegay in uu wada xaajood ku helay in ka badan 300,000 oo fursado shaqo ah. Kadib safarkii ugu dambeeyay ee uu ku tagay dalka Japan, Mr Ruto ayaa sheegay in uu ku guuleystay heshiisyo ku kacaya in ka badan $2.3 Bilyan oo Doolar.

    Iyagoo carabka ku adkeeyay faa’iidooyinka safarada madaxweynaha ayaa labada ee Nigeria iyo Kenya waxay sidoo kale qaadeen tallaabo ay kaga hortagayaan dhaleeceynta shaqaalaha dowladda ee u safraya dibadda. Kenya ayaa sheegtay inay 50% ka jartay miisaaniyada socdaalka shaqaalaha rayidka ah, kadib markii lagu eedeeyay “khasaare” safarada gudaha iyo dibadda. Laakiin arrintan ayaa u muuqata mid aan saamayn ku yeelanayn madaxweynaha laftiisa oo sheegay in aanu ka baaqsan doonin safarrada inta ay faa’iido u leeyihiin.

    Bishii la soo dhaafay, madaxweynaha Nigeria wuxuu ku dhawaaqay dhimista wafdiga rasmiga ah ee socdaalka qiyaastii 60%. Awaamiirta uu ku dhawaaqay afhayeenkiisa Ajuri Ngelale ayaa waxaa ka mid ahaa in la dhimo dadka safarka ku wehlin doona madaxweynaha, balse ma uusan sheegin in uu dhimi doono tirada safarradiisa iyo in kale.

     BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

    February 8, 2026

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

    February 8, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

    February 8, 2026

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

    February 8, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.